Header imagecalanka
Wararka Soomaaliya & Dunida kale::
Somali online news, articles, etc ::

Wood Khasaaro II.

“Referendum iyo Vote”, waa laba hab oo Muwaadinku Ra’yigiisa iyo Rabiddiisaa ku muujiyo, waliba midka dambe “vote” ama sida Soommaalidu u tiraahdo wood, waa: codayn badanaa Muwaadinku ku doorto xubnihii Golaha Baarlamaanka ku matali lahaa qaybaha kala duwan ee bulshada, sidoo kale, Xubnaha Baarlamaanku ku doortaan madaxada sare oo Qaranka, sida Madaxwaynaha,Ra’isul wasaaraha iyo Guddoomiysa Baarlamaanka, isla markaa, cod waxaa dhiibta qofka, Muwaadinka ah ama dad uu doortay oo isaga matala, sida Xildhibaanada.

Haddaba, “Taariikhda Siyaasiga ah”, oo Soomaalida, waa soo mareen labadaa hab inkastoo; kolkii, la isdilay, oo la waayay Dawlad ay meesha ka baxeen wixii xuquuq ama waajibaad ahaa oo Muwaadinku lahaa, kolkaana ay adkaatay soo celinta wixii loo yaqiin; “Diimoqraadiyadda” iyo xaqa codaynta.

Si kasta ha ahaatee, waxaa magaalo madaxda Kenya; Nairobi, Foolin aan dabiici ahayn (uur-dooxid) Soomaalida ugu dhashay, “Gole Barlamaan”, oo aqoon iyo awood ahaan aan dhammayn “Handicapped”, mar dambana laba garab, oo isdiidan u kala fariistay, balse, wax la’aan dhaama, oo magac sheegasho iyo Gole buuxin ku filan.

Baarlamaankaa, iinta ama cilladda ku dhashay, habaynkuu u codeeyay cidda Madaxwayne Soomaalida u noqonaysa, sahnta sano oo soo socota, oo natiijadii lugu dhawaaqay, baa nasiib darro, irdihii rajada oo idil soo oodmeen, oo intii “Korneelka” tiqiin Shandadaha xirxirteen!!.

Durba, waxaa dusha yimi waydiimo ah: Yaa woodka dan ugu jirtay?, yaa ku khasaaray?, muxuuse noqday woodkii?. Waydiimahaa, idilkeen waa na soo mareen, hase yeeshee waxaan goostay jawaabta, inaan bal markan, Soomaalida ka furto, oo anigu isu xilsaaro soo uruurinteeda!!.

Haddii Eebbe idmo waxaan, ballan qadayaa; si uruursan oo kooban inaan waydiimahaa u qodobeeyo, oo mid walba kolka ugu dambaysa muujiyo khasaaro iyo faa’iido midkuu noqday woodkii.

Sidaa darteed; shantan qolo oo soo socota, mid waliba, meel buu ka soo dhacay, oo woodka dan baa ugu jirtay!!.

1-Bulshada Caalamka.“International Community”.2-IGAD iyo Dalalka dariska ah,3- Soomaalida,4- Daarood,5- Majeerteen iyo Madaxwaynaha.

Yaa ku khasaaray?.
Oo yaa ka faa’iiday?!...Runtii, qaybaha, aan sare ku sheegay oo idil, ilaa iyo hadda mid waliba khasaaro ayuu “Xisaab-xir sanadeedku” ku xirtay!. Sidoo kale maanta oo doorashadii Madaxwaynaha laga joogo sanad iyo maalmo; “Soomaalida cawo daradeeda, wax faro ugu jira lama arko!!.

 

Bal, qabsoo;

Bulshada Caalamka: Bulshada Caalamka, haddaad maqasho, ma aha wax Timahoodu dhan u xiirmaan, mana laha dan mid ah oo uruursan. Sidaa awgeed, Dal kasta ama Hay’ad kasta oo Caalami ah, maslaxad gaar ah baa meel ugu naban., inkasta oo uu jiray hadaaq ah: “danta Bulshada Caalamku; “waa Soomaalidu inay Dawlad yeelato”. Haddana dadaalkii dhawrka sano la dooc-doocinayay, wixii lugu dhisay ma hanaqaadi, oo wax kaleba ha dambeeyaane;“Mashruuci Nabadaynta Dadka” halkii lagama dhaqaajin, wax walbana waa taaganyihiin. Sidaa darteed, dadaalkii waa khasaare, haddaan ur-kale Alle u bixin

IGAD iyo Dawladaha dariska ah: maxaad ka taqaan;?!,hal dal mooyee Laqdabo iyo lugooyo, haddaad maqasho waa iyaga. Dhab waxaa ah Dawladaha dariska laba-gacmoodinta ay ku hayaan arrimaha Soomaaliya, awgeed inay isu arkeen xoog wayn oo cid yac oron kartaa aysan dhaqnayn. Balse, si lama filaan ah, waxaa u soo booday rag cod sare ku oran kara; “war naga jooga”. Sidaa darteed, inkastoo isgad-gadinta IGAD iyo Dawladaha Dariska ah ay faro badan tahay, haddana, sida muuqata markan way khasaareen.

Soomaalida: fili mayo, shan iyo Toban sano oo colaad iyo rafaad ah ka dib, cid dawlad uga baahi badan inay jirto, Liberia-na ku dhehoo!!. Ha yeeshee, Raggeedi ma helin oo kuwii magacyada culus lugu raray (xildhibaan iyo wasiir) iyagaaba Kuraas iyo Bakoorado, huf isaga dhigay, haatanna Xamar iyo Jawhar Warmo tumasho u fadhiya. Waa khasaaro.

Daarood: Shacabka Koofur Afrika, xilligii uu ku jiray gobanimo doonka wuxuu horumariyay hal-ku-dhag ah “One man One vote”. Halka Soomaalidu shan iyo tobankii sano oo colaadda Sokeeye ay faraha kula jirtay horumarisay (4.5), oo ah Awoodda Dawladda oo qaab Qabaa’il loo qaybsado. Sidaa darteed, haddii “Carta” Hawiye Madaxwaynhii ku qaatay “Nairoobi” in Daarood ku qaato Madaxwaynaha la yaab ma aha, balse asbaabao kale ayaa jiray.

Aragtidaa (4.5) ah, haddaan ogolanno; ragga Siyaasadda u dhuun-duleela waxay qabaan, soo saaridda Cabdullaahi in ay Daarood ku ahayd “Kaar gubid”, oo haddii Daarood wax lala rabo, nin aan isaga ahayn loogu qayb qaadi karay. Haddaba, Siyaasiyiintu waxay saadaaliyeen; “goor aan dheerayn in Korneelku rarka saran meel baas kula kufi doono”. Halkaana khsaare ka soo aadanyahay.

Majeerteen: “Ciyaarta Siyaasadda” meeshuu ka soo galo waa; kaalinta tolka iyo haybtu ay ku lee yihiin Siyaasadda Soomaaliyeed. Sideedabana, magaca Reer u baxa, xumaan ama wanaag, hadba waxay ku xiran tahay; sida uu tolku ugu-tafa-xayto muuqaalka dhalanteedka ah oo dawlad isxijinta.

Intii u dhaxaysay 1960kii – 1990kii reerihii, loo tiriyay dawladda wax u meel-maray iyo wax kalaba, kollay, maanta sheegashada caynkaa ah suuq ma laha. Maxaa yeelay, Dawladiiba meel ay saldhigato lama hayo!!, Shacabkii la xukumi lahaana badanki waa Qaxooti Dawlado kale ku dhex nool!!.

Sidaa darteed, Madaxwaynahu; ciduu wax-taro daaye isagaa wax- tar u baahan, sidaas awgeed dhagaati la surto ma laha, oo sheegashada xigto nimadiisu, ma billa,oo dan-ku-marooqsi iyo isla godid toona ma laha. Waa khasaare.

Madaxwaynuha, oo ah cidda xisaab xirka aan ugu dabamariyay, waa shakhsi yaab leh!!. Shan iyo labaatan sano ayuu duurka ugu jiray in uu ku fariisto Kursi Madaxwayne.

Si kasta ha ku dhacdee, yoolkaasi oo uu gaaray, haddana waxbaa ka dhimman, haddii uusan habaynka xuska sannad guuradii 1aad: “cirifka Miis dheer oo la dul dhigay noocyo kala gaddisan oo cunno ah, oo ay hareeraha ka fadhiyaan Marti-sharaf kala duwan, oo dushooda ay ka ifayaan Nalal leh midabbo kala jaad ah, oo laga soo daldalay Geedaha faca-wayn ee “Villa Soomaaliya”, iyada oo ay markaa dhagaha ka sii bexeen Muusig fudud oo ay wada jir u tumeen (ciyaareen) Kooxda Waaberi iyo Kooxda Heegan oo Booliska, ka kicin, isaga oo dhoollo caddaynaya, indhahana la raacaya Marti uu shucuurtooda daalacday, kuna bilaabin (Sheeko xariiro) khadbad Taariikhi ah”:

“Caawo oo kale, mar laga joogo shan iyo toban (15) sano, ma taqaaniin meesha aan jiifay?!!..
Ma taqaaniine anaa idiin sheego?...
Ma maqasheen “Alambakha”?!.
Fili mayo inaad taqaanaan, oo waxaad u badan tihiin rag meelahan wax ka tuur-tuuray oo aan halgan soo arag...
Alambakha, waa Xabbis wayn oo Ardisababa “Itoobiya”ku yaal…
Ilaah waa kan og, oo caawa oo kale waxaan dhex jiifay Qol xabsigaa ka mid ah oo mugdi ah oo qabow…
Rag aan war hayn baad tihin!!...
Waagaa aan xirraa ma filayseen aniga oo Madaxwaynihii Dadka iyo Dalka ah inaad i hor fariisataan…
Waryaa, Geeddi adigu habaynkaa imisa jir baad ahayd?!, halkeese joogtay?!”.

Mar haddii uusan Korneelku wacdaro ka dhigin Sannad Guurada Koowaad “Villa Soomaaliya” dhexdeeda, ciyaartu meel fiican ugama bilaaban, oo shan sano in la isla gaarayo dabaysheed ma dhicin, mana muuqato. Iyana, waa khasaare.

Ha yeeshee, aragtidayda, khasaaruhu inta uu manta joogo wuxuu ka badan doonaa, haddii, inta goori goor tahay, aan Madaxwaynaha lagala cararin Jawhar, oo ah Dhoobley ay ku badantahay “Kaneecada Dhaddig ah”, oo sababta cudurka “Maleria”, oo cillad galisa Beerka.

Madaxwaynahu, wuxuu hore u sheegay, oo fagaare ka yiri; “Beerkaygi isaga oo Faryaradaa le-ekaaday, oo Madoobaaday baa la tuuray”.

Ogaada, waxa halista ku jiraa waa Beerkii labaad, oo Madaxwaynaha!!!.

Wuxuu dhan isku soo xoori, oo waa: Wood Khasaaro2

Cabdi Warsame Maxamed
Wali_7_uk@yahoo.co.uk

13/10/2005

About Us | Site Map | Privacy Policy | Contact Us | ©2006 WARSAN.EU