Header imagecalanka
Wararka Soomaaliya & Dunida kale::
Somali online news, articles, etc ::

Waddadii Caddayd.

Intaanan Maqaalka u guda gali, waxaan ka codsanayaa ruuxii dhibsada erayada heestan,
“waddadii caddayd Cagta saartayee Ku carraabiyoo”
oo xilligi kacaanka la qaadi jira:inuusan u qaadan xusuusin ama danqin boogo hore, balse waxaan jeclaystay inaan cunwaanka maqaalka u doorto. Si kastab, ha ahaatee “Waddada Cad” waa mid qura oo ruux haleelo, ruuxnna ka habaabo (lumo), iyaduse waa tub sax oo mar walba joogto ah.

Sidaa darteed, ugu horrayn hamballyo waxaa naga mudan raggii iyo haweenkii waqtigooda qaaliga aha u horaya fakarka, qabanqaabada iyo hirgalinta shirkii ka dhacay magaalada Leicester-UK, oo suure galiyay hal Saqaf hoosti (Hool) inay isugu keenaan xubnno ka tirsan MMI, Burcadkii(Cream-kii) Barlamaank xorta ah iyo Qorbejog ka kala yimd meela kala duwan, oo waliba u badan (da’dii,cuslaatay). Raggaa iyo Haweenkaa Magacooda Allaha wanaajo, aakhirana miisaanka camalladooda san Allaha ugu biiriyo, hawsha ay naga furteen,(Aamiin).

Runtii, waxay isku mileen xul cajiib ah oo ka kooban Da’-wayn ku ruug caddaatay siyaasadda iyo aqoonta oo waddani ah, Da’yar aqoon iyo anshax leh oo waddani ah, Culumaa-u-diin dhab ah oo siyaasadda wayo arag ku noqday oo waddani ah iyo Saraakiishi XDS oo waddaniga ah. Waxay Soomaali ku sooreen, Cunno Soomaali dhab ah oo geedaysan (typical Somali Dish)

Haddaba, beenllow faalalloow ah, Allaa nacaladaye, Ragga iyo Haweenka intaa u kala baxa dadka meel isugu keenay:kuwo aan ogahay waxbay dheer yihiin,hungana lagama fisho kulanka jaadkaa oo kale isugu dhafan. Raxmadda Allana ballaaran.

Inkastoo, shirku ahaa mid wax ka dhihiddiisa la dheerayn karo ama la gaabin karo, anigu waxaan raacayaa khadka ah, soo gaabin hufan inaan ku soo uruursado.

Sidaa darteed, qodobada shirka ka soo baxay iyo Guddiga loo xulay soo diyaarinta “Urur Siyaasi” ah oo ajenda cad leh, ceeb u joogsi mudan kuma arag, sideedabana hufnaan Eebbe oo kaliya ayaa leh, si le-eg ugu joogsan mayo, oo xaaladda Soomaaliya oo dhan baa ah; “gacan uur ku jirta”!.

Waxaanse, jeclaystay inaan tilmaamo waqtiga aan joognaa inuu yahay waqtigiia ugu dhib iyo culays badan, oo rag iyo haween Birlab ah mooyee, nacas iyo nin liitaa aysan kaalin uga bannaanayn.

Waa maalin fariidka iyo fadhiidka la kala garto oo magac baxo...Waa waqti xisaab xir yeelan doona, oo waqtiyo iskuma jiraane ku soo aaday waqti Soomaali u gacan gashay gumayste kiisii ugu nacas sanaa.

Gumaysigii shalahay (1884-tii) waxaa hormuud u ahaa Reer Yurub, Itoobiyana waa ka daba luflufatay (qaraabatay), gumaysiga maantase(2006-dii),waxaa hormuud u ah Itoobiya oo ay daba socdaan daba-dhilif soomaali ah, oo Maraykan labadaba, midig iyo bidix ku kala daadihinayo.

Waa laba waqti oo isku ujeeddo gumaysi laga lee yahay,ha yeeshee jilayaashu dawrka hormuud nimo kala badasheen Sidase, muuqata labada waqtiba waxaa mustafiid ah “Danllay Itoobiya”oo iyada loo adeegayo.

Laakin,wax kale intaanan u gudbin erayga aan hoosta ka xarriiqay oo ah daba-dhilif, micnihiisa aan ka baarro Qaamuuska af-soomaaliga ee Yaasiin C.Keenadiid.

Daba-dhilif oo ah eray ka koobmma laba eray oo kala ah Dabo iyo Dhilif, wuxuu u kala dhigay sidtan;1-Dabo: waa Lafdhabarta (xiriirka)nafleydu afka ay ku dhammaato.2-Dhilif waa:barida Idaha kolonta ka laallaadda.

Si kale, haddaan hadalka u dhigo, Tigruhu waa: Dabadii, Kooxda soomaalida ah oo daba socotana, waa: Dhilftii.

Isku soo xoori,oo waxa oo idil waa (Ido’), Iduhu waxay u kala baxaan;Wanan iyo Laxo, sidaa darteed haddaan saaro jaanta ah; “Galbeed iyo Kasii Galbeed ama Fariid iyo kasii fariid”,waxaa soo baxaya; “Lax iyo Kasii lax)!.

Sida Dawacada loogu tilmaamo, dhagarta Libaxana Boqorka xoolaha, ayaa idahana (Laxaha) loo tiriyaa dammanaan iyo war moogid,kolkii luguu sheego waxaad moogtahay waxaa la yiraahdaa; “Laxdaba u war li’i”.

Haddaba, haddii waaqica –waxa markan taagan – maanta la marayo, Dad iyo Dalba kaa yahay, maxaa lgu huri; “wixii dhiig lahoow kaca”, qof ama koox kaad tihiin; ka dhiidhiya, hal waddo qaada, hal talo yeesha,oo hal dhufays ka soo wada jeesta.

Waa Taa “waddada cad”, waana mid salka ku haysa Muqaawamada waajibka ah. Sidoo kale,“Wax walba xagga Muqaawamada(iska Caabinta), waa hal-ku-dhagga maanta.Muqaawamadu qabiil ma aha, oo baalasheeda waxaa ah Muwaadi ficilooday, sideedabana reer waa ka caagantahay

(Wixii xoog lugu qaato, xoog baa lugu soo ceshaa) waa weer ay soo saareen Shucuubta la duudsiyay, waana garta maanta Soomaalida la gudboon, ha yeeshee ,Soomaalidu waxay tiraahdaa: “xoog waa midkaan xargaha kaa jarin”. Taasoo dhacda, maarkan xooggu yool; qorshe, cabbir iyo tadbiir toon lahayn.

Sidaa darteed, yool waxaa noo ah xoraynta dalka iyo dadka. Waxaa la yiraahdaa, waydiin ma ah reer geeddi ah oo aad aragto, inaad tiraahdo; ma soo guurteen?!. Sidoo kale, anshax ma ah dalkii iyo dadkii oo la haysto, inaad tiraado; “hoogay, oo ma nala haystaa?!.

Waa,walaalaheen aan wada dhalannay –mar dhawna waxaan sugnaa; isku diin baan nahay-, oo daris ah, oo dawlad noo dhisaya. Qiilkaa ku warwareegiddiisa waa la garan, ulajeedada ku hoos qarsoon.

Dhanka kale,qaarkayo hadduu ku cuslaado erayga Jihaad, yaan la baciidsan warkooda oo:“Oodi qaadis iyo jiidid waa isla guri gayn”, sidaa darteed “Muqaawamah” ha loo arko Jihaad waajib ah, afkana ha la haysto, hadal tiro badan; “Bariis ma kariyo”!.

Ugu dambayn,haba la ila ogaadee –markhaati-, halklan waxaan Cabdullaahi Yuusuf toos ugu qudbinayaa warqaddan, ogaysiisnna u gaarsiinayaa, Jandayi iyo Meles.

“waa ogahay af-carabigu inuusan kuu bilownayn, sidaa darteed, Ina Cumar As-hari –hadduu nasteex kuu yahay- oo aan hubo inuu yaqaan Carabiga u yeero, oo waxaad fartaa inuu Aayadaha “Quraanka Kariimka” ah, oo ka hadlla “Jihaadka” iyo Kitaabka Riyaadu Alsaalixiin” horay u soo qaado.

Kitaabka(RS) Soomaalidu Culimo iyo Caamaba waa raacatay, laakin laga yaabee adiga, hawl adduun inay kaa jeedisay.

Ina Cumar As-hari markuu Labadaa Kitaab la yimaado, xoghaynta waxaad fartaa; Jndayi iyo Meles, hadday kula soo xiriiraan in loo sheego arrin culus,oo qarsoodi ah –haddaadba ka yeelan karto- inaad ku shuqlan tahay!..

Qol inta la gashid As-hari, waxaad fartaa, “Aayadaha Jihaadka”, iyo “Kitaabka Jihaadka” inuu kugu dul akhriyo kuuna fasiro.

Kolkuu kuu dhammeey, waxaa waydiisaa waajib la is faray ruuxii ka taga, Eebbe, muxuu ka mudan?, dabadeed iga bax dheh.

Shanta waqti, waan tukadaa baad tiri, Cibaadaduna addoonka iyo Eebihi bay ka dhaxaysaa, oo halkaa u dhaafi mayo, ha yeeshee, foodda inta dhulka dhigtid Laba ragcadood oo Sunno ah Tuko,oo ogoow salaaddu waa Farad iyo Sunno.

Habaynkaa Khilaawe(khilwah) gal,oo qolka hoos ka xiro.Barqo qaboow klolkii la gaaro shir jaraa’id qabo.

Habaynka nuskiisa dambe Samadu waa furantahay, rajada Allanae, lagama quustee; waxaan ku lab fiyoobahay “Diinka” lugu saaray wax wayn oo aan la malayn Karin inuu kaa badali doono.

Haddiise, Nasiib darro dhacdo,oo malahaygu been noqdo, hawshaadi halkeedi ka miis,intii noolla waa u joogi doonaan waxaad ka dhaxasho.

F.g: Tanbiih iyo Islaax anoo taladan ulajeeda, wax “walwal” ah uma hayo, Meerayaasha kugu dul wareega, waayo:haddii “Diin saarka” aad caafimaad ku hesho iyana caafimaad bay heli, haddiise la waayo, iyaguba waa ogyihiin inaysan rajo lahayn.

Mahadsanid

Cabdiwali Sh. Maxamed
Wali_7_uk@yahoo.co.uk
April.09.2007

About Us | Site Map | Privacy Policy | Contact Us | ©2006 WARSAN.EU