|
Garihii Shaakir
Shaakir, wuxuu ahaa nin da’ ah, oo 70-tan ay wax u weheliyaan, oo dagmo ka mid ah gobolada soomaaliya, nolashiisa inteedi badanayd ku qaatay, inkastoo uu xilliyada qaarkood ku noolaa dalalka dariska qaarkood. Waligi looguma yeerin xaajo odayaal mudatay. Balse, wuxuu aqoon dheer u lahaa garaha (ciyaal suuqu) isu dhigtaan. Waxaa u suuragali jirtay si fudud inuu u kala tuuro, gar kasta oo la hor keeno. Durba waxaa la dareemay aqoonta dheer oo uu u lee yahay garaha jaadkaa ah. Intaa waxaa dheer garuu riday, waligi inaysan ku soo laban, sidoo kale, dhinacyada gartu, abid cabasho sooma celin!.
“War la’aan iyo wahsi” baa dadka kala dishee!, maalin maalmaha ka mid ah baa shil foolxun dhacay. Gabar baa inta reerkoodi ku soo dhex-dhacday, ku barooratay; “Allah hoogay !, nolol iima eka !, ina hebel baa ikufsady !”.
Oday xishood badan lugu yiqiin baa degdeg, aqalkiisi gogol u dhigay, isla markaana, soo fariisiyay labadii dhinac iyo odayaal fara badan. Shaakir, maalinkaa waa fadhiyaa gogosha.
Aabayaasha, Labada dhinaca, kolkay garta dhex taal soo bandhigeen, oo hadalkii ku soo wareegay odayaasha, baa Shaakir dhex ka qabsaday hadalka, isaga oo gabadha aabaheed waydiinaya: waryaa hebeloow, gabadhu, ma tii madoobayd, oo ilkaha dheerayd, oo foosha xumayd, oo islaantii aad furtay kuu xoortay, baa?!.
Odayaashii, oo argagaxsan baa intuusan gabadha aabaheed hadal oran, yiri: “Shaakir, waa ku sidee?!”. Darbi dhabarkiisa ku aaddan inta isku tiiriyay, buu jaadkiisi fagasho ugu dhaqaaqay.
Waraysi dheer baa odayaashu, gabadha iyo wiilka si talan taalli ah ugu qaybiyeen, inta hadalku socdo Shaakiir waa iscunayaa, oo hoos buu ka guuxayaa; “war waxan odayaal ma aha, garra ma yaqaanaan?!, ee meesha ma isaga tagnaa?!”.
Laan jilicsan, oo cas (Laan-boqor), isagoo lulaya buu warkii ku soo booday!. Markan wuxuu rabaa inuu muujiyo, “Dambi Baare” xeel-dheer oo wayo arag ah inuu yahay, wuxuu ku bilaabay: “waryaaya, hadalkayga dhug u yeesha!; “gabadhu waxay sheegatay in wiilka ina hebel ah uu kufsaday, waqtiga kufsigu dhacay iyo waqtiga ay qaylo- dhaanta aabaheed soo gaarsiisay, waxaa u dhexaysa Lix cisho. Haddii, Eebbe kuu same ogolyahay, Lix cisho halkan ma aha, oo hadday khayr qabto tahay!, oo aysan wax daran la meeraysanayn, lix cisho maxaa aamusiyay?!. Waryaaya, wax ma taqaaniine, si fudud oo kooban aan waydiintaa jawaabteeda idiin siiyo. Durba waxa ii muuqata, in gabadha iyo wiilku wada tunteen, oo hawsha dhacday raalli la isaga ahaa. Ha yeeshee, dabiici waxaa ah; waqtiga macaan kolkuu ku dhaafo, caqligu inuu kuu soo noqdo. Sidaa darteed waqti ka dib gabadhu waxay istir; “hoogto!, haddii wax kugu soo baxaan, maxaad sheegi?”. Haddaba, hadday sidaas runtu tahay, wax ka dhuwanna cid soo bandhigi kartana halka ma fadhidu. Runtii, haddan la iscandadowlayn, gabadha talaa ku caddaatay, oo waxay samaysay iyo waxa ka iman kara baa isu qaban waayay, dabadeed, waxay doorbidday, inay afka furato oo ku balanbasho; “hoogaye, waa la ikufsaday!. intaa markaan tixgaliyo: “kufsi ma dhicin ee wax kale oo ralli la isaga ahaa baa dhacay!. Waryaaya, run haddaad doonaysaan sheekada dhabteedu waa saas, ama booda ama dhaca.
Mar qura baa odayaashii bulaameen:“war naga aamus!, war balada yaa noo soo doortay”!. Duf-ku-bax!. Alle-ku-doori!. Waaba nin wayne, muxuu isku rakibay!. Balo horta ku marsatay!.
Odayaashii, inta isqabteen bay dooddii dhabaheedi ku soo celiyeen, odagii hadalka u baxaba, wuxuu ku dadaalaay inuu jawiga fadhiga oo Shaakir qasay xasiliyo, taladuna aysan faraha ka bixin.
Mar saddexaad waakan Shaakir oo hadalka maskaxdiisa ku wareegaya xajin kari waayay, isaga oo aan cidnna ka fasax qaadan buu hadalkiisi ku bilaabay; “waryaaya caammo la isu soo uruuriyay, oo aan wax kala ogayn baad tihiin, aniga iyo wiilka aad ka hadlaysaan aabihi, oo midkan i hor fadhiya ah, go’ isuma sheeganno, isku dagaanna waligayo waa ahayn, oo Ilaah baan ku dhaartaye inta gabar ari la joogta oo uu kufsaday caqligiinnu inuusa malayn karin. Wiil iyo aabihi waa kala wayn yihiin mooyee, meelo isaga eg. Inta qosol aan dhab ahayn iska doondoonay buu yiri; “waryaaya, hadda anigu waxaan la yaabanahay wiilka aad sheegaysaan; balaayo ku dhacdaygu, kollayba hadii uu mid isku qaadayo, habelkan hortayda ka soo jeeda midda uu dhalay muu luqun jabiyo, qurux, dheerar iyo caaddan intaba iyadaa uga hooraysa midda lagu xantay!..
Erayadaa kolkay afka Shaakir ka soo dhamaadeen, baa odagii gogosha dhigay sare u booday, oo isagoo Bakoorad madaxeedu maar yahay xagga dambbe ku dhagan, la dul istaagay Shaakir oo inta bakooraddii gilgilaya yiri: “waryaa Shaakir, waxan mooday in kasmo iyo waayo aragnimo kuu koorodhay, sidase kaa muuqata qalloocii iyo gar xumadii kaama bixin, haddaadan deg dedg aqalka ugu bixin, wax daran oo aad hadda moogtahay baad indha saari, dibadda nooga bax, oo maan yarida meeshaad doonto iyo ciddii kugu qaadanaysa la-aad..
Laamo qaad ah oo u harsanaa iyo cantoobo uu ka bililiqaystay mid dhinac fadhiya inta Bac ku gurtay buu sare u kacay. Cimaamad midab doorsoontay, oo catiroowday siduu meel baas ula fadhiyay garbaha ka kala ritay yiri:“waligay, manta ka hor ma arag odayaal idinka “waalli-cas”, markaad isoo doorateen ma aqoon baa iigu kiin dhinnayd?!. Hadda iyo dan: isbarasho wanaagsan”. Albaabka inta ka booday buu labadii calfood oo kadinka u yiil cagaha ku sii qaatay, oo dhaqaajiyay!.
Haddaba, waxaan hore loo arag (Phenomenon) baa manta “Geeska Afrika” ka dhacay!.Taagii ugu dheeraa xaafadda Wardhiigllay, halkii bari la oran jiray Xarunta Madaxtooyada (Villa Somalia) baa waxaa ka soo jeestay Shaakir “nuqulkiisi dhabta ahaa” oo shaabadaysan (authentic), oo daadihinaya rakaabkiisii iyo Ciidamo Tigree ah oo isaga soo galbiyay!.
Rakaabkan la yaabka leh, oo cid heli kartaa ay yartahay, waxaa ugu aqoon sarreeya Barfasoor (professor) aqoontiisu aysan ka xishoon qabyaaladda… Kursigii (……) anaa ku fadha! , waa ninka la soo shirtagay.( Alla qiime daranaa fartuu qori yaqaane!).
Dotoor (Doctor). Afkiisa; “Muqdisha waa la nadiifinaa” waxaan ahayn laga waayay. Tolow, hadduu nadaafadda magaalooyinka soo bartay, kuna xeel-dheeryahay, ma la geeyo “Dawladda Hoose Muqdishoow - Waaxda Nadaafadda?”.
Iyo Ardaal - aan xusid mudnay- oo “Reer Jawhar” xasuuqooda ku galay “Baarlamaanka Doofaareey”. Malaha, midkan eraybixinta ah; (af-jarid) baa ku cusub, oo sidaa awgeed buu ug celceliyaa:“waa la soo af-jaraa”. Alle doorigu, muxuu af-jari, isagaaba la dabar-jariye !.
Waa yaabe, intaa iyo in kale oo aan dhaamin baa maanta “Guurtii” loogu doortay, (Garaha Soomaaliyeed”!.
Wadeeco allah
Cabdi Warsame Maxamed
ifaqoon@hotmail.com
05/04/2007
|