Horta: gar-naqso!!...
Gabyaaga wayn; Cabdullaahi Macallin Dhoodaan, gabaygiisa ah Gar-naqsi;
“Ilaahay amarki”, waxaa ka mid ah tixo shan ah, oo sheekoyinka Bulshada Caalamka intooda badan ku xussan.
Sheekadaa, haddaan soo kobo waxay lee dahay; “wiil Gabanah baa Abeeso sunteedu dilaa tahay ruugtay. Gabankii aabbihi waa seexan kari waayay geeridaa naxdinta leh awgeed. Walaac badan kaddib, wuxuu goostay; inuu Gabanka u aaro, oo Abeeso madaxa hor dhigo.
Masaar xiiraysa, inta soo tuntay buu godkii Abeesada la hor fariistay. Wuxuu damac sanyahay kolkay madaxa soo dhiibto, inuu Masaarta huwiyo, oo uu sidaa uga dabageeyo Gabankii ay dishay.
Wuxuu dhawraba, fuufta neeft ay soo hurgufayso kolkuu maqlay buu dareemay inay dhawaan godka ka soo bixi doonto. Waa xeyd-xeydtay, oo Masaartii labada gacmood ku qabsaday.
Waatan, madaxay soo dhiibtay iyada oo labada Carrab isku lisaysa.. Inta neefta isku ceshay buu Masaartii isla kala jiiday oo godka afkiisa qabadsiiyay…Mindhaa, intuu iskala jiidayay bay milicsatay, oo godkii bay dib ugu laabatay iyada oo bedqabta, oo ogaatay qorshaha ninkii Gabanka dhalay.
Muxuu sheegi?!, Abeesadii ma dilin!!, oo Gabankii uma aarin,. haddii ballan la isku ogaa iyo haddii kalaba, in la kala gabbado soo ma aha?!. Ninku wuxuu arkaa qabrigii Gabanka, Abeesaduna waxay araktaa raadkii Masaarta !!..
Haddaba, Dhoodaan gabaygiisa, Gar-naqsi, markuu sheekadan ku soo qaatay, wuxuu u dhigay si farshaxan ah, oo erayo kooban oo macaan, isla markaa wuxuu ka dhigay gar dabeecad ahaan qallafsan oo laba dhinac dhex martay, oo guurtidii ku adkaatay in la gun-gaaro, oo la soo af-jaro inta labada dhinac ay kala arkaan; qabrigii Gabanka iyo raadkii Masaarta!!, wuxuu yiri:
Maskii Good ahaa iyo ninkii loo garqaadaayey
Guurtida markii loo wacee taladii loo guulay
Cid gungaadha xaajada kolkii goobta laga waayey
Waxay gocotay oo eersatoo gabagabo u diiday
Waa Masaartu xidadkay gashiyo Gabankay aaseen
Haddaba, intaa, haddaan halkaa uga gudbo, oo ujeeddada u baxo, Soomaaliya iyo Itoobiyada dariska la ah waxaa dhex-yaal sheekada Dhoodaan ka gabyay xaajo la mid ah.
Itoobiya, waxaa dhagaheeda ku dhaca hugunka Mawjadaha Badwaynta Hindiya, indhaheeduna waxay arkaan Ilayska Maraakiibta Badda Cas isku waydaaranaysa. Intaa waxaa u dheer walwalka ay ka qabto, Geeska Afrika inay mar labaad ka doobiso Dawlad Soomaaliyeed oo awood iyo tixgalin leh.
Dhinaca kale, Soomaalidu waxaysan illoobin Kaalintii Boqortooyadii Xabashidu ka qaadatay qaybsigii Soomaaliya 1884-tii. Intaa waxaa dheer Soomaali meelay joogtaba in ay ogtahay; Dib-u-heshiisiinta Soomalida, cidda lugta ku dhagan, oo xarigii la guntaba meel mugdi ah ku fur-furta, oo aan marra raalli ka ahayn Dawlad Soomaaliyeed oo cagaheeda ku taagan, taladeedana u madax bannaan; inay tahay Itoobiyada Dariska ah .
Haddaba, Madaxda manta Soomaaliya talada u haysa, ismaan-dhaafka ka dhex taagan, halka bu’da u ah waa xaajadaa, nin gartay iyo nin aan garanba.
Nin Oday ah, baa waxaa laga sheegay; “waligay la igama gar helin!.”. Waa la waydiiyay, siday arrintaa ku dhacday, wuxuu yiri: “garta inta aanan u gole fariisan, ayaan dibadda ku soo akhristaa”, oo uu ulajeedo; “wixii la iiga gar lee yahay, waa ka haraa, waxaan gar ku lee yahayna kama haro”.
Sidaa darteed, Madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf, garta inta dibadda ku soo akhristo:
Marka koowaad, sababaha aan kor ku soo sheegay Itoobiya ha uga haro.
Marka labaadna, Soomaalida hadal wax ha ugu sheego, oo albaabka wada
xaajoodku ha u furraado, haddii gar-qaadasho dhaqankeed uu lee yahay.
Sidoo kale, ha u sheego; Wasiirkaga Koowaad oo aanan magaciisa aqoon: in laga gar helay, oo yuusan ka xishoon, kana baqin !!..
Inkastoo maqaalkan wax ka duwan hadda joogaan, haddana wax isma badalin.
Cabdi W. Maxamed
ifaqoon@hotmail.com
|