|
Bahalhoosaad iyo Naflay yaryar
Gacaliye, akhriste; waxaad ii oglaataa inaan kuu hor mariyo afeef ah; sidaad u jeceshay in dareen kaaga loo dhawro, si la mid ah anna inaa ujeclahay dareen kayga in la dhawro, ha yeeshaa dareen dhawrid, dhiillo ka wayn baa soo daristay.
Nabarka, ha la dhayo (Medication) iyo dareen ha la dhawro isku mar ma dhacdo!, oo takhtarku kolkuu caloosha bukaanka furo, hadduu dareenkiisa tixgaliyo; waa inuu ka dhaqaajiyo ruuxii oo calooshiisu dibadda taal!.
Sidoo kale, Alle kor ahaaye, “Kitaabkiisa caziizka ah” wxux ku yiri: “Eebbe kama xishoodo (reebtoonaado) inuu tusaale u yeelo Kaneeco iyo wax ka sareeyaba”. (Albaqarah:25).
Haddaba, haddaad intaa iga garaysatay, aan qeexo macnaha Qaamuuska af-soomaaligu u yaqaan (injir iyo dixiri). Qaamuuska af-soomaaliga ee Yaasiin C. Keenadiid, dabcaddii 1976dii, wuxuu u fasiray injir iyo dixiri, sidatan;
Injir:(Bahlhoosaad yaryar oo aan baalal lahayn oo dadka aad aan u hufnayn Timaha iyo dharka ka gala, oo dhiigga dadka ku nool), sidoo kale,.Qandhicil waa: ugaxda injirta, magac, haddii laga dhigo waa Qandhicillay,oo reer Banaadirku yiraahdaan; Khandhicil.
Dixiri:(Naflay yaryar oo jaadad badan ah; kuwo dheerdheer iyo kuwo dhuudhuuban, kuwo jiljilicsan kuwo oogadoodu xuubaysan tahay, kuwo xamaarta, wax ciidda dhexdeeda ku nool iyo wax oogada naflayda kale ku noolba waa leeyihiin. Dadbaa yiraahda: Dirxi.
Bahalhoosaadkaa iyo naflaydaa yaryar, haddaan ku meersanno waaqica Soomaaliya ee manta waa sidatan:
Injir, madoow oo lugo badan oo fool xun, oo soomaalida ku dhaggan waxaa ah Ciidamada Tigreega oo xudduuda Soomaaliya meel walba ka soo galay, nasiib darrana Xaruntii Gaashaan dhigga ku furtay..
Hawshaa oo ay kidmadeeda lee yihiin, Soomaali ku sheeg, muuqaal keenna iyo midab keenna oo kale leh, oo sideenna af-soomaali ku hadlla, oo hufnaan aysan meella ka soo galin, kasmo iyo dareen miday noqotaba laga inkaaray.
Badanaa, Injirtu waxay gashaa Dadka la baxa Guudka wayn sida; timaha dhalliyarado daysato, oo aan heli Karin “Shambo ama Saabuun” ay la daba joogaan Timaha u ekaaday Geed qurac ah oo wayn..
Ruxa timahaa oo kala daysta, rafaad badan kolkuu ka dhargo, oo injirtu dhiigga ka jaqdo, oo cudurka (Anemia) dhiig yari la soo dhaco, gacantana madaxa kala bixi waayo, talo kaw waxay kaga tiraahdaa; “inuu Timahaa dhulka dhigo, oo salka u rujiyo”.
Dhul dhigidda, sakiin ama Muus buu u adeegsadaa. Xiiriddaa waxaa ku baxa (le-eta) Injirtii ruuxaa guudkiisa (Madaxiisa) ku noolayd oo dhan. Haddaba sida cad injirta madaxa gasha nolosheedu; waa inta timaha sakiin laga mariyo oo gabi ahaanba dhulka laga dhigo.
Dixiri, oogadiisu xuubaysan tahay, oo xamaarta waxaa ah; dhilifta yar oo ka lulata barida Tigreega. Waxaan ulajaeedaa kooxd Soomaali sheegat, oo dalka ku soo galay Taangiyo Tigree oo ay ugu daba dhageen, sida ciyaalka baabuurta dabada qabsada!.
Haddaba, badaanaa Dixiri, wuxuu ku noolaadaa, Joqofeeyda ( Boogta, aan si fudud ku biskokon), oo nabar hore aan wax looga qaban ah. Waa boog indhaha u daran, ruuxay ku taallana dhib ugu filan, oo isla markaa, haddaan degdeg wax looga qaban sababi karta in la gooyo xubinta jirka ay kaga taal, waayo dhiigga oo ka xirmay awgi bay keentaa malax iyo caallir joogto ah.
Dixiri oo bii’adda (environment) ugu wanaagsan oo uu ku noolado ay boog tahay, qaabka kaliya oo wax looga qabtaa waa in lugu garaaco (Antibiotic) dhowr kun oo Mg. ah,maali walba, in muddo ah, ilaa ay ka bogsato.
Haddaba, labadaa balo (cudur) oo maanta Soomaali ku habsatay mid waliba qaab loola tacaalo ayuu lee yahay haddii wax ka qabad kooda dhab laga yahay, waana wax fudud!.Hadulku hadduu mid yahay labo laga ma dhigo, oo tororog badan waxaa dhaanta yoolka oo toos loo abbaro.
Sidaa darteed, si fudud; Injirta tacaalkeedu (prescribtion) waa in; Guudka wayn (timaha) dhulka la dhigo, Dixiriga tacaalkiisuna waa in; Antibiotig lugu garaaco.
Ugu dambayn waxaan maqaalkan ku soo gabagabayn sheekada soo socta:
“Meel ka mid ah miyiga soomaaliyeed, baa waxaa ku dhaqnaan jiray reer ari dhaqato ah. Galab galbaha ka mid ah baa arigii oo la soo mayriciyay xerada ku soo xerooday, Sidii caadada u ahay, odagii reerka baa xerada bawd keeda soo istaagay, si uu u hubiyo arigu inuu dhammi ku yimid xerada. Indhaha markuu la raacay buu arkakay Orgigii ariga u waynaa, inuusan xerada ku jirin, mar labaad buu dib u eegay!, “Haah, waa sax oo xerada kuma jiro”.
Wiilkii ariga maanta raacay buu u yeeray oo yiri: war kor luguu dhifsaye mee Orgigii waynaa?, maxaad ulajeedda?,wiilkii ba yiri, soo xerada kuma jiro!. Indhaha Alle kaa tuur!, kaalay oo ka soo saar, hadduu ku jiro?!.
Odagii Afarta baynu-jiho buu dad u kala yaacshay. Idilkood waxay la soo haydeen fara maran. “Balo kula tagtay caawaa dhurwaagu duurka ku cuni doonaa” buu ku celcelinay. Saqdhexe buu indhaha isku qabtay, oo hurdo biliq la yiri..
Waagu kolkuu baryay oo qof iyo geed la ka gartay, buu lexojeclo waa balee isaga oo ganta ridaya u tagay faaliye, oo hadal ka bilaabay; “Orgigii waynaa lama hayo ee bal meel ku sheeg?!. Faaliyihu (mindhaa) waan nin farahiisu u warramaane!, carraduu faraha galgaliyay,waa tiray. haddana waa galiyay waa tiray haddana waa galiyay, intaa hoos buu ka guuxayaa..
Kolkii la raagsaday baa la yiri: sidee wax u jiraan?, bal noo warran. Wuxuu yiri:Orgigii ma dhiman oo qalaadkiisa baan maqlayaa, naftu waa ku daba yartahay, oo dhul ma joogo cirra ma jiro!!..Yaan la quusane, ha la baadi gobo.
Mar kale ayaa la kala yaacay. Neef ari ah qalaadki baa u baxay, wallee waa Orgigii!. Muqaalkiisa ma arkaan. Meeshii qayladu ka soo baxaysay kolkii loo dhawaaday baa hareeraha la dhugtay, mise qayladu waa xagga iyo Cirka sare. Kor baa la eegay mise waa Orgigiii oo geed Jiic ah oo dheer laamihiisa ku xanniban.
Wiil yar baa geedkii inta sare u tafay laantii dhulka keenay, orgigiina addimad uga saaray laamihii shakalay. Orgigii markii dabinka laga saaray buu inta gilgishay orod is dhigay isaga oo galaadaya, Malha wuxuu yiri; “Eebbaa ibixiyay”.
Geed jiic ah oo uu daaqayay baa sare u dhufatay, oo meel dhulka iyo cirka dhexdooda ah ku hayay. “Faaliye warki waa been, xataa hadduu markaa run sheego”.
Waa yaabka, yaabkiis, waxaa dhab ah in; Soomaalidu maanta la mid tahay Orgigaa, ha yeeshee, laanta la booday waxaa sabab u ah, falfalxumo iyaga ka socota.
Cir ma jirto, dhulla ma juugto, qaylana ka dhamaatay.
Cabdullaahi Suldaan “Tmacadde” (AUN) mar uu Soomalida la hadlayay wuxuu yiri:
Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray
Wixii hore usoo daashadaay, degasha naysaaye.
Waxaasi waa: “Qabyaaladda”
Allaha idin tuso…..
Cabdi Warsame Maxamed
ifaqoon@hotmail.com
16/04/2007
|