Markii Baadil baago loo qoray! Baando iyo Duubcad, waa qaybo ka tirsanaa “Ciidammadii Talyaaniga” oo ka hawlgalay Koofurta Soomaaliya. Sidoo kale, Baago; waa eray Af-talyaani ah oo la Soomaaliyeeyay (pagamento), loolana jeedo, bixin sida Mushaar la bixiyo waqti lagu heshiiyay kolkii la gaaro. “Haddaba, berigii, Carro Soomaaliyeed, Talyaanigu ka talinayay, baa dadkii ka istaagay isqoriddii Baandada, sababo jiray awgood. Maamulkii Talyaaniga baa dareemay dadku inay ka gaws-haystaan ku biiridda Ciidanka. Sidaa darteed; waxaa lagu tashaday, inaan xulasho lugu ekaan, ee ciddii safka soo istaagtaba la qoro. Raggii safka laga qoray, oo aan la iska eegin baa waxaa ka mid noqday, nin magaalada aad looga yaqaan, oo farta-lugu-godo, oo xitaa ciyaalka xaafaduhu ka daba oriyaan, kolkuu soo dhex maro xafaddooda. Ninkaa waxaa la oran jiray Baadil. Baadil, Tababarkii Ciidanka (Kuruudkii) kolkuu soo dhammaystay ayuu Maalin Maalmaha ka mid ah Faras-magaalada isa soo dhigayga, isaga oo labissan Dirayskii (uniform) Ciidanka Baandada.. Nin oday ah oo yiqiin, kana mid ahaa ragga magaca ku dhex leh bulshda ayaa arkay, isaga oo hab ciidan-nimo ku idishahay, sarraxa sare ugu taagaya, saantana u kala dambaysiinaya oo gacmaha meel sare ka soo hoobinaya. Wuu yaabay!. Hoos buu isu waydiiyay; “tolow, ma indhahaygaa?, mise waa Baadil?. Wallee waa isagii!!. Si uu u shaki baxa, buu raggii la fadhiyay nin ka mid ah inta ku jeestay,waydiiyay: “war heedhe, ninku soo Baadil ma aha?!. Haa, waa Baadil. Wuxuu labisan yahay, soo dirayskii Baandada ma aha?!. Haa, waa dirayskii Baandada. Waydiin dambe kuma celin, inta istaagay oo jafjaftay buu sii dhaqaaqay,isaga oo leh: “Markii Baadil baago loo qoray! Maxaa Baando baahi loo qabay?!!”. Gacaliy, akhriste; aniga aragtidayda, labadaa sadar dhexdooda war badan baa ku jira, oo haddaan laba arrin oo kaliya ka soo qaato, waa sidatan: Midda koowaad: Baahidii aan loo meeldayin, waxay kharibtaa rabiddaada. Midda Labaad: Qofnna, wuxuu ku ababo, ama baxaalli u noqda, ma badalo. Sidaa darteed, ninkii Odaga ahaa, waxaa isu qaban wayday, “baahida Maamulka Talyaanigu,Ciidan uu dadka ku caburiyo uu qabay iyo liidashadii Baadil uu ku yiqiin! Sidoo kale, waxaa isu kay qaban la’: “baahida aan dawlad u qabnno iyo ninka aan Madaxwayne u doorannay”. Runtii, Shan iyo toban sano oo dawlad la’aan ah, cid kasta waa ku nuglaataa, isla markaa, waxay abuurtaa baahi ba’an oo la kala sooci waayo, waxa san iyo waxa xun!!. Haddaba, baahida aan loo meeldayin, waa waxa na dhaxalsiisay; “in afka looga dhaco Cabdullaahi Yuusuf, oo si kasta oo: Madaxwayne, loogu cel-celiyo ama Kaarbet cas (Red Carpet) loo fidiyo, aan marra ka tagayn; “dhaqankii Jabhadaynta iyo af-lagaadada”. Baadil, lama sheegin; oof uu ka soo celiyay Maamulkii Talyaaniga, oo barigaa. Kanna haba u fadhin!. Cabdi Warsame Maxamed ifaqoon@hotmail.com 02/04/2007
About Us | Site Map | Privacy Policy | Contact Us | ©2006 WARSAN.EU