Header imagecalanka
Wararka Soomaaliya & Dunida kale::
Somali online news, articles, etc ::

Yaa gar leh ma joogto?!!..

Maqaal uu qoray Cabdirasaaq Xaaji Xusseen, Ra'iisul wasaarihii Soomaaliya muddadii u dhaxaysay 1964tii / 1967dii, Cinwaankiisuna ahaa ( A Perilous Impasse in Somalia) “Soomaaliya; Nabadayntii oo haliso soo oodayaan” .oo taariikhdu markay ahayd 07/07/2005 , ku soo baxay; Web page- ka Dayniile, ayaa war iga raacay, waana sidatan:

Markaan akhriyay Maqaalkaa, durba waxaa ka soo dhex booday “Oday Soomaaliyeed” oo xikmad yaqaan ah, oo waayo arag ah, oo ku xeeldheer "Shaxda Siyaasadda" oo jeclaystay inuu ka digo haliso soo oodaya Nabadayntii saddex iyo tobanka sano la foolinayay, oo doonaya iftiin inuu ku shido Booraamo uu ka cabsi qabo Dadkiisu inay afka isaga shubaan!!.

Haddaba, haddaad i waysdiiso, sababaha aan sidaa u iri?, waxaan oran karaa:Marka Koowaad: Qoraaga Maqaalku waa “Oday Soomaaliyeed”, oo waqti dheer ku soo jiray halgan Gobanimo doon, Siyaasi ku Cirraystay Marinnada Siyaasadda, oo soo qabtay xilal sare oo Siyaasadeed iyo kowo hogaamin Xisbiyo Siyaasadeed, oo muddadii hawsha uu hayay, turxaan yaraa.

Oday, “Dagaalkii Sokeeye” (1990-kii / 2005-ta) aan faraha la galin wixii foolxumo ahaa oo dhacay, oo rag fici ah ka xishoon waayeen. Shakhsi ku dhiirada aragtidiisa oo “Dacda Qabyaaladda” aan ku dhex barriiqan, il-duufka Siyaasaddana, badanaa ka feejigan, hadduu doodo aan amban, oo yaqaan halka uu qabadsiin.

Marka Labaad: Waraysiyo dhawr ah oo uu bixiyay, oo aan dhagaystay iyo qoraallo uu lee yahay oo aan akhriyay, intaba waxaan ka dhadhansaday;: “Oday mar walba jecel inuu doorto halka (Cirbaddu) kaga taal Miisaanka Labadiisa Kafadood, oo ah barta isudheelli tirka. Sideedabana, ruuxii xulashadaa oo kale Alle u fududeeyo, rag waxbuu dheeraadaa, waana astaanta: daacadda, isdhawridda iyo iska ilaalinta dhan-u-janjeersiga.

Iyada oo aysan jirin haba yaraatee “Agenda” gaar ah oo ii qarsoon; ayaan si buuxda oo kalsooni leh u oran karaa: “Cabdirasaq Xaaji Xusseen; qof ahaan waa ninkaa, fakar ahaanna waa sida aad ka dhadhansan doonto biyo dhaca Maqaalkiisa, -haddaad akhriso- oo aan filayo baryahan in aad loo hadal hayn doono. Waa Maqaal mudan in la darso, talooyin fara badan oo ku jirana la qaato. Runtii waa wixii lugu yiqiin Oday wax garad ah, oo damiir danqada leh, kuwaa oo maanta yar!!.

Haddaba, xannibaadda Maanta na soo food saartay, ma aha yaa gar leh?, yaase gar daran?. Cagaha dhiiqada waa la wada galiyay, ruuxba meel cabbirku meel ha u joogee!!.

Sidaa darteed, Qoraaga Maqaalka xil kaligi gaar u saarra ma aha, inuu yiraahdo; kaas ayaa gar leh, keer ayaa gar daran…Balse, Maqaalka uu qoray, waxaa Tiirdhexaad u ah, weedha ah: “ By its nature compromise is a peaceful agreement, and the use of violence is an anathema in such an accord”, oo -haddaanan khaldamin afsoomaali ku ah: “ Dabeecad ahaan isu tanaasul waa nabadeed (ama nabadayn), colaad oo la adeegsadaana waa nacaladda heshiiskaa oo kale, ka dhacda ”.

Danka kale, tanaasul (Compromise), ma aha wax “Caalle” kasta oo reer-kiisu buunbuuniyeen ku dhiiran karo, waase, tallaabo “Geesi” xil kas ah, oo aragti fog xeeriyaa, ku dhiirado. Isla markaa, waa in si taxaddar leh sohdin adag loo kala dhex dhigaa; waxa tanaasul gala iyo wax haba yaraatee, aan tanaasul galin.

Haddaba, run haddaan la sheegin, wax daran oo been ah, ayaa la sheegi:. afar iyo toban sano, oo colaad iyo habow ah, casharadii laga korosaday, waxaa ka mid a Qbaa’ilka Soomaaliyeed inaysan kal adkayn. Sidoo kale, waxaa la bartay farqiga u dhexeeya; colaad iyo nabad … Haddaan la iswaalin; reer, reer kale duulaanki xiise u qabaa ma jiro. Sidaa awgeed, Durbaan Colaadeed Ninkii tumaa, isaga oo qura ayaa ku bixi!!.

Sidaa darteed, Ragga Muqdishow, dagay iyo Madaxwaynaha meeraysanaya, xisaabta ha ku daraan: “Colaad cid u ooman inaysan jirin. Aragtidayda; “waddada qura oo manta furan waa; isutanaasul “Compromise” intiisa badan laga rabo Madaxwaynaha.
Isla markaa, waxaa habboon “Odaga” Cabdirasaaq Xaaji Xusseen ah, taladaa uu waqtiga badan galiyay, oo daacad iyo wanaag jacayl uu ku yiri; “inaan la dhinac marin”.

Nasiib darro, Xeel dheere “ Expert” Reer Galbeed ah; “hadduu intaa ama wax ka hooseeya qoro, gole walba ama maxfal kasta waa looga doodi lahaa, oo (Analyse ama Consult) weeye ayaa la oran lahaa, oo waa la tixgalin lahaa!!. Haddiise laga maqlo Odagaa ama Rag kale oo Soomaali ah, waxaa haddiiba la oran: Muxuu ii sheegi, waa naqaan, oo waa reer hebele!!”. Halkaa ayaa habaas ku fuuli fakarkii, muddo laga shaqaynayay!!.

Ugu dambayn, Maqaalkaa oo meelo fara badan dul maray, dulucdiisuna tahay: “ha la isutanaasulo; “intaan madaxyo maanta qoyan, qallalin, oo tacab muddo la dhurayay; (Shilinba meeshuu ka yimid aadin), tolow; “yaan la fududaysan, Odaga taladiisa” .

Cabdiwali Sh. Maxamed..
Ifaqoon@hotmail.com
09/07/2005

About Us | Site Map | Privacy Policy | Contact Us | ©2006 WARSAN.EU