Header imagecalanka
Wararka Soomaaliya & Dunida kale::
Somali online news, articles, etc ::

DFS:  oo ku calool gashay Addis Ababa, ku aqal gashay Nairobi ku wallacday Baydhabo, ku dhashay Xamar.

Meherka, arooska iyo aqal galka, intuba waxay ka dhaceen Magaalada Nayroobi, dalka Keenya. Mashxarad iyo qoob ka ciyaar  lugu dheeraaday, oo madax xanuun fara badan laga qaaday ka dib, waxaa loo galbiyay aqalkii magaalada looga diyaariyay.

Shaash saarkii, intaan la garin, waxay la soo boodday; matag, calyo sayrid iyo raashinka oo ay ka go’do. Waa astaamaha lugu yaqaan haweeneey lugu biday, oo shan iyo afartan cisho dhammaysatay.

Reer Kenya, oo xafladda meherka iyo arooska abaabulkeeda lahaa, waa ogaayeen khayr beeshada, in (Addis Ababa - Itoobiya) lugu kufsaday, oo si xun loo rafaadshay. Ha yeeshee waxay door bideen inay afkooda haystaan, Markay u dagatana, kolkooda kufsadaan. Kollay, wixii  dhasha waa u adeer!!.

Gurigooda kuway ku aqal gashay, waxay goosteen; haddii uur soo baxay in dibadda la dhigo. Rafaadka wallaca meel kale ha la qabato. Dhoobo qallalan iyo Dhuxul ay ku dhanaansato, intaba Baydhabo waa laga helaa. Sababtaa bay u soo saareen, iyaga oo Transid (transit)  ku  mariyay Jowhar oo ay habeenno ku dhaxday.

Haba yaraatee, wax u diyaarsan,  iyadoo aanay jirin bay guri ka mid ah guriyihii hore oo dawladda ku tuureen. Reer Baydhabo afkooda ma taqaan, iyaguna afkeeda ma yaqaanaan. Afka dhagoole, in lugu wada hadllo soo maaha?!.

Sidkeedi wuxuu noqday Shan bilood iyo toban cisho!. Calooshu, halkay haweenka ku gaadho shan bilood bay teedu ku gaadhay laba bilood. Afka wax ma saarto!. Ma harsato!. Ma hoyato. Waa Qumayo soo taagan. Fiid hore la naar, waa dhuryamaysaa, waxay ku hadasho cidi ma garato.

Meeshii laga soo raacay bay ku ordaa, haddana ka soo oradaa!. Waa mid, (Baranbaro  cagaha looga  burburshay), oo aan ogolayn fadhi inay hawlaheeda ku maamulato, ummadana af garato!.

Tolow, ma la maray?!. Haah, waa la maray, warse looma hayo. “May iska nasato, inta balada uurkeeda ku rafanaysa dibadda uga soo baxayaan”. Dadkaa is waydiiya!. Dhawr jeer inay dhiciso bay ku sigatay, oo intoo kale, inay dilmeen baa loo qaatay, oo waxaa la damcay in laga soo xaaqo.

Waa axad cayntiisa aan hore loo araga!. Kii kufsaday bay u yeertay. Inta yimid oo dabada ka riixay buu dirqi  ku geeyay Xamar. Iyadoo aan shin dhamaysan (sagaal Bilood) baa fool ku soo jogsatay!.

Umuliyiha, wax argagax kama qabo ruuxa uu foolinayo. Dhididkuu ka tiara. Maraduu ku celiyaa. Madaxeeda, dhabta inta saarto buu biyo qabow afka ugu qabtaa!.

Yaab!. Xanuunka, dareenka, rabidda intaba waa la wadaagaa. Isaga mooyee cid kale ma  ogola!. Kii loo mehariyay meel uu jaan iyo cirib dhigay cidina uma war hayso. La isma waydiiyo. Habaynkii  aqal galka ka dib, agteeda sooma istaagin.

Waa umushay!. Laabtuu u saaray  waxay dhashay. Yax-yax la’aan bay sare u dhufsatay oo tiri: “Allaha, waa Jeelle!, Alla waa Jeelle!”. Labada dhaban inta ka dhunkatay bay sare u bood-bootisay, una dhiibtay kii ka dhalay!. Sideeda oo kale inta bood-bootiyay, buu laabta gashaday. Ilmo kulul baa iindhiisa ka soo yaacday. Beer wax dhalay gacalo badanaa!!.

Maxay dhashay,?!. Maxay ku farxeen?!. Waa uun yaab badan, oo hore aan loo arag: “ Culaysku waa laba kiilo…Dheererku, waa calaacal joogeed...Jirku, waa gas miiran Madaxu waa mid sare u dhuuban…Indhuhu, waa kuwa dheerar u qalan…Sanku, waa  hal dul…Dhagohu waa malaasan yihiin…Afku, waa laba qalbac oo miishaar ah… Fanax wayn baa labada fool u  dhaxaysa…Saabku, waa soo baxsan yahay… Calooshu waa godantahay…Gacantiiba, waa laba ciddi oo dheerdheer…Meel najaasadu ka baxdo ma laha…Addimadu waa Qanjaafulo ari...Codku, waa xiq iyo xabeeb!...

Waxaan, hore loo arag!.  Labada uu ka soo jeedo abaal bay ku qabaan, magacna waa siiyeen.”Daayeerku, indhaha hooyidi waa Deero”!.

Umusha, waxaa la dhigay aqal ku yaal taagga  magaalada ( Xamar ) ugu dheer. Waxay dhashay habayn walba waxaa ku kordha wax dhag dameer le-eg. Curadka waxaa ka beermay laba kale oo isaga u eg. Labadaa, midkiiba waxaa ka beermay laba kale. Sida, qaraxa Nukliyeer Bamka (Nuclear Bamb)  baa tarankoodu ku socdaa. Midkii cumrigiiso Todobaad ma dhaafo. Bakhtigooda, raad kama haro, oo sida Allkolada (alcohol-ka) buu hawada  u raacaa!..

Kumanaan, iyagoo ah bay ka soo yaacaan ”Taagga dheer”. Cagtay marshaan wixii ka soo hor baxa. Habayn iyo maalin waa u socod. Ma kala go’aan. Ma nastaan. Ma waabtaan.

Magaaladii waa looga qaxay. Xasuuq iyo rafaad aan kala go’ lahayn bay dhigeen. Carruur, cirroole iyo haween, ciddi iyo qanjaaful bay ku mariyeen!.

Carrada, rag baa ku nool. Waxay ku guulaysteen mid ka mid ah “uunka” yaabkaa leh  inay dabin ku ridaan..Shaybaar (Laboratory) kolkay mariyeen, oo dhiig ka qaadeen, waxaa u soo baxay daawada lugu marin karo.!, waxay kaloo ogaadeen bakhtigoodu, cudur saamayn leh inuusan reebin.

Hadda, intoodi badnayd waa le-etay. Ololihii soo af-jaridda: Jeelle, carruurtiisa iyo                    labadiisa waarid baa socda.

Intaa dabdeed, waxaa qorshaysan in loo gudbo nadiifinta wixii raad ah oo dalka ku harsan. Guul, inshaa-allaah….

***Maanta, haddaadan sax u arag, saad-dambaad garan!...
  
Cabdi W. Maxamed
ifaqoon@hotmail.com

21/04/2007

About Us | Site Map | Privacy Policy | Contact Us | ©2006 WARSAN.EU