Header imagecalanka
Wararka Soomaaliya & Dunida kale::
Somali online news, articles, etc ::

GURIGOOD HA BA’EE MAXAY UBAXA U GOOYAAN?

 

Qore: Cabdi Jaamac Aw-Aden

 

Barbaar gu’ yar oo ku dadaalayey aqoonta oo u gargaarayey runta, una tabinaayey uunka, muxuu galabsadoo loo ganay?

 

Nasteex Daahir waxaan ku barannay tebintii wararkii  dhulkeennii hoogay, waxaan ku barannay cod laaqina oo uu si habeysan u deeqsiiyo dhegeystayaasha. Kuweenna qof ahaan u yaqaannayna waxay qireen inuu watay waxbarasho kale duwan. Waxay qireen inuu ahaa nin ku firfircoon hawlihiisa. Laguma sheegin hawlaha jirreynta iyo siyaasadaha la xiriira. Laguma sheegin dullaaley wax isdabamariya. Laguma sheegin ganacsade xisaabi ku luntay. Laguma sheegin mid u darban ama u hanqal taagayey madaxnimada dad badan maan rogtay. Laguma sheegin Dhuhle wararka u dusiya dhinacyo kale jaada.

Muxuu geystay oo loo dilay da’daas yar ee dadaaleysay?

 

Ma qalbi jirran baa u quuri waayey codkiisii qaadirku siiyey?

 Ma uur xaaqida baan la rabin kista beesada ah ee uu shaqeysanaayey? Ma dhabtuu ka hadlaaayuu eeday? Ma mid madaxnimada jaan ku raba hinaasaha iyo qar-ka-tuurka walaalki baa isyiri ku dallac? Ma dilkaa ka mida qorshihii waayo badan ka dhex socday shacabka S/liyeed oo lagu unuun goynayey kii waxtar ka muuqdaba?

Ma doqon ilaahay taqaan oo ku maldahaysa falkeeda liita diintaa, ka dambeysay?

 

Sabab ay tahayba, waxaa hubaal ah in dilkaas dugaagnimo yahay astaanta ba’ iyo balaanbalka dalkeennii hooyo yeeshay.  

Geeridu waa sunnadii nolosha oo la yaab ma leh ee waxa aan giddigeen la gannoodsannay oo gorroska u laalaadinney waa su’aasha ah; gurigood ha ba’ee maxay ubaxa u gooyaan?      

 

Cabdi Jaamac Aw-Aden

Abdiaden1957@yahoo.com