www.warsan.eu - online news update

warsan logo

Untitled Document

Cudurka Dabaysha (Polio)

Cudurkan oo magaciisa rasmiga ah la yiraahdo ”Poliomyelitis” balse loo soo gaabiyo ”Polio”, afsoomaaligana lagu yiraahdo ”Dabaysha” ayaa ah mid ay aad iyo aad waxyeelladiisu u badan tahay. Waxaa keena ama sababa nooc fayrus ”virus” ah oo loo yaqaan ”Poliovirus”. Cudurka dabayshu wuxuu qofka uu ku dhaco ka weeraraa xagga xididdada ”The nerv system” oo uu muddo saacado gudohood ah ku naafeeyaa qofka.


Cudurka Dabayshu wuxuu ku dhacaa da’ kasta, yar iyo weynba, hase ahaatee wuxuu aad ugu badan yahay carruurta ay da’doodu ka yar tahay saddex sano. Kuwaas oo markii la tirokoobay iyagu noqday 50%  (konto boqolkiiba) inta laga war hayo dadka uu cudurka dabayshu ku dhacay.

Calaamadaha aasaasiga ah ee lagu garto cudurka dabaysha waxaa ka mid ah:

  1. Qofka oo qandho ama xummad aad ah yeesha.
  2. Tabarrdaro iyo daal qofka ku habsada.
  3. Qofka oo uu madaxu aad u xanuuno.
  4. Qofka oo lagu arko matag ama hunqaaco badan.
  5. Qoorta, xaglaha iyo suxullada oo xoogdareeya (astaamo curyaannimo oo kale muujiya).

 

Sida la og yahay 200 oo qof ee uu cudurka Dabayshu ku dhacaba 1 qof ayaa noqda curyaan aan la baxnaanin karin oo waara, waxayna inta badan ka naafoobaan xagga lugaha.
Qiyaastii 5% - 10% (5 ilaa 10 boqolkiiba) ka mid ah dadka ku curyaama cudurka Dabaysha ayaa geeriyooda ka dib marka uu cudurku naafeeyo muruqyada neefsashadda amaba sambabbadooda oo uu qofka gaarsiiyo heer uu neefsan waayo oo uu hafto ama cabburo.

Astaanta loogu garan og yahay ee cudurka Dabayshu waa curyaamidda ama naafoowga. Haddaba waxaa dhacda in inta aan qofka lagu arag calaamado curyaannimo aan loo qaadan in waxa qofka hayaa ay yihiin cudurka dabaysha, aadna aan looga taxaddarin. Taasoo suuraggalisa inuu cudurku sii faafo oo dad badan oo hor leh ay cudurkii qaadaan.

Inta badan marka ugu horreysa oo uu qofku qaado ”Poliovirus”-ka ma uu dareemo wax jirro ah todobaadyada ugu horreeya ee uu sidaha yahay. Muddadaas iyadana cudurku aad ayuu bulshada ugu faafaa oo dad badan oo hor leh ayaa cudurka qaada.

Inkasta oo uu cudurkaani uu badanaa ku dhaco carruurta ay da’doodu ka yar tahay shan sano, haddana waxaa jirta in dad badan oo awoodda difaaca ee jirkoodu ay wanaagsan tahay uu cudurku ku dhaco, Laakiin ay iska difaacaan oo aysan la jirran. Balse ay cudurka sidaan oo ay dhacdo xitaa inay isaga gudbiyaan waddan ka waddan amaba qaarad ka qaarad. Taasoo iyaduna sii fududeysa gudbinta iyo faafinta cudurka. Khaas ahaan arrintaan waxay aad u sii saamaysaa waddamadda aan hay’adahooda caafimaadku aad u horumarsaneyn.

 

”Poliovirus”-ka ayaa ah mid si dadban (Saxarada, iwm) iyo si toos ahba la isugu gudbiyo. Nadaafaddarraduna waxay ka qaybqaadataa faafinta cudurka.

Cudurka Dabayshu wax daawo ah ma laha, sidaas darteed waxa keliya oo looga hortegi karaa difaaca jirka oo la daryeelo, lana xoojiyo.

Tallaalka ayaa ka mid ah waxyaalaha difaaca jirka xoojiya. Cudurka oo dhawr jeer laga tallaalo carruurta waxay si aad ah hoos ugu dhigtaa khatarta qaadista cudurka Dabaysha.

Tallaalka cudurka Dabaysha oo la dhammeystiraana waxay qof yar iyo qof weynba ka dhintaa khatarta curyaannimadda ama naafoobidda haddiiba ay dhacdo inuu qaado cudurka Dabaysha. Walow ay iyaduna jirto in tallaalku uusan dadka qaarkiis wax badan u tarin, jirkooda oo aan tallaalka ka jawaabeyn ama qaadaneyn awgeed. Laakiin tirokoob ahaan dadka noocaan ahi waa yar yihiin.

Waddammadda uu cudurka Dabayshu ugu badan yahay, uuna aad u sii fidayo ayaa waxaa ka mid ah Nigeria, India, Pakistan, Niger, Afghanistan and dalka Masar. Gaadiidka casriga ah ayaa suurtogal ka dhigay in wakhti aan aad u badnayn la isaga gudbo dacallada adduunka. Taasina waxay kordhinaysaa khatarta faafidda cudurradda la isu gudbiyo.

Waddan kasta iyo meel kasta oo aad joogtaba khatarta cudurka Dabayshu waa mid taagan. Dad badan ayuuna horay u naafeeyey, qaar kale oo badanna waa u geeriyoodeen. Sidaas darteed qofkii ay suurtogal u tahay inuu ilmihiisa ka tallaalo cudurka dilaaga ah ee Dabaysha ama ”Polio” waxaa la gudboon inuu ilmihiisa cudurkaas ka tallaalo.

Nadaafadda ayaa ayadana ay tahay in aad loo hormariyo oo lagu dadaalo si tallaalka iyo dhammaan dadaallada kala duwan oo loogu jiro ciribtirka cudurka Dabaysha iyo cuduradda kale oo la midka ahiba ay mirodhal u noqdaan.

Dadka uu cudurka Dabayshu horay ugu dhacay oo uu naafeeyay, welina ku sugan xaaladdaas waxaa jira waxyaabo badan oo nololmaalmoodkooda wax looga beddeli karo, ayagana aad waxtar weyn ugu ah. Waxaa ka mid ah in loo sameeyo qalab u fududeeya socodka sida kuriga naafada, kabo loogu talo galay oo ku habboon.

Intaas waxaa sii dheer in ay dhakhaatiirtu wax ka qaban karaan wax badan oo la xiriira xubnaha dhaqdhaqaaqa ”orthopaedic organs”. Marka la xiriir oo la tasho dhakhaartiirta oo kala tasho sida ay naafadaada wax uga qaban karaan.

 

Tixraac:

Sawirradda ku jira maqaalkaan waxaa leh oo aan ka soo qaatay Professor R.L.Huckstep oo 1975 buug ka qoray cudurka Dabaysha. Buuggaas oo uu u bixiyey ” Orthopaedics and Traumaaadna loo daabacay ilaa haddana la isticmaalo oo “up to date” ah. Buugga oo aan hadda la daabicin ayaa qoruhu wuxuu fasaxay in la isticmaali karo sawirrada iyo qoraalkiisaba.

by R. L. Huckstep  Eugene Sherry 
ISBN: 0443049807
Publisher: W.B. Saunders Company - September, 1994

Web site-kan ayaad wixii intaas dheer kala xiriiri kartaa:
http://www.worldortho.com/database/polio/index.html

 

Copyright © Reserved 2006
Mohamud Abdi Jama (Shire Dheere)
http://www.warsan.eu