
Cudurka Dabaysha (Polio) Cudurkan oo magaciisa rasmiga ah la yiraahdo ”Poliomyelitis” balse loo soo gaabiyo ”Polio”, afsoomaaligana lagu yiraahdo ”Dabaysha” ayaa ah mid ay aad iyo aad waxyeelladiisu u badan tahay. Waxaa keena ama sababa nooc fayrus ”virus” ah oo loo yaqaan ”Poliovirus”. Cudurka dabayshu wuxuu qofka uu ku dhaco ka weeraraa xagga xididdada ”The nerv system” oo uu muddo saacado gudohood ah ku naafeeyaa qofka.
Calaamadaha aasaasiga ah ee lagu garto cudurka dabaysha waxaa ka mid ah:
Astaanta loogu garan og yahay ee cudurka Dabayshu waa curyaamidda ama naafoowga. Haddaba waxaa dhacda in inta aan qofka lagu arag calaamado curyaannimo aan loo qaadan in waxa qofka hayaa ay yihiin cudurka dabaysha, aadna aan looga taxaddarin. Taasoo suuraggalisa inuu cudurku sii faafo oo dad badan oo hor leh ay cudurkii qaadaan. Inta badan marka ugu horreysa oo uu qofku qaado ”Poliovirus”-ka ma uu dareemo wax jirro ah todobaadyada ugu horreeya ee uu sidaha yahay. Muddadaas iyadana cudurku aad ayuu bulshada ugu faafaa oo dad badan oo hor leh ayaa cudurka qaada.
”Poliovirus”-ka ayaa ah mid si dadban (Saxarada, iwm) iyo si toos ahba la isugu gudbiyo. Nadaafaddarraduna waxay ka qaybqaadataa faafinta cudurka. Cudurka Dabayshu wax daawo ah ma laha, sidaas darteed waxa keliya oo looga hortegi karaa difaaca jirka oo la daryeelo, lana xoojiyo. Tallaalka ayaa ka mid ah waxyaalaha difaaca jirka xoojiya. Cudurka oo dhawr jeer laga tallaalo carruurta waxay si aad ah hoos ugu dhigtaa khatarta qaadista cudurka Dabaysha. Tallaalka cudurka Dabaysha oo la dhammeystiraana waxay qof yar iyo qof weynba ka dhintaa khatarta curyaannimadda ama naafoobidda haddiiba ay dhacdo inuu qaado cudurka Dabaysha. Walow ay iyaduna jirto in tallaalku uusan dadka qaarkiis wax badan u tarin, jirkooda oo aan tallaalka ka jawaabeyn ama qaadaneyn awgeed. Laakiin tirokoob ahaan dadka noocaan ahi waa yar yihiin. Waddammadda uu cudurka Dabayshu ugu badan yahay, uuna aad u sii fidayo ayaa waxaa ka mid ah Nigeria, India, Pakistan, Niger, Afghanistan and dalka Masar. Gaadiidka casriga ah ayaa suurtogal ka dhigay in wakhti aan aad u badnayn la isaga gudbo dacallada adduunka. Taasina waxay kordhinaysaa khatarta faafidda cudurradda la isu gudbiyo. Waddan kasta iyo meel kasta oo aad joogtaba khatarta cudurka Dabayshu waa mid taagan. Dad badan ayuuna horay u naafeeyey, qaar kale oo badanna waa u geeriyoodeen. Sidaas darteed qofkii ay suurtogal u tahay inuu ilmihiisa ka tallaalo cudurka dilaaga ah ee Dabaysha ama ”Polio” waxaa la gudboon inuu ilmihiisa cudurkaas ka tallaalo.
Dadka uu cudurka Dabayshu horay ugu dhacay oo uu naafeeyay, welina ku sugan xaaladdaas waxaa jira waxyaabo badan oo nololmaalmoodkooda wax looga beddeli karo, ayagana aad waxtar weyn ugu ah. Waxaa ka mid ah in loo sameeyo qalab u fududeeya socodka sida kuriga naafada, kabo loogu talo galay oo ku habboon. Intaas waxaa sii dheer in ay dhakhaatiirtu wax ka qaban karaan wax badan oo la xiriira xubnaha dhaqdhaqaaqa ”orthopaedic organs”. Marka la xiriir oo la tasho dhakhaartiirta oo kala tasho sida ay naafadaada wax uga qaban karaan.
Tixraac: Sawirradda ku jira maqaalkaan waxaa leh oo aan ka soo qaatay Professor R.L.Huckstep oo 1975 buug ka qoray cudurka Dabaysha. Buuggaas oo uu u bixiyey ” Orthopaedics and Trauma“ aadna loo daabacay ilaa haddana la isticmaalo oo “up to date” ah. Buugga oo aan hadda la daabicin ayaa qoruhu wuxuu fasaxay in la isticmaali karo sawirrada iyo qoraalkiisaba. by R. L. Huckstep Eugene Sherry
Copyright © Reserved 2006 |