Home
Wararka
Myaccount
Shopping Cart
Checkout
Qoreyaasha
.Qaybaha Buugta
. Suugaan
. Sheekooyin
. Computer Books
. Taariikh
. Hogaaminta & Maamulka
. Diinta Islamka
. Siyaasadda
. Qaamuus
. Buugta Carruurta
. Caafimaadka
. Xisaabta
. Dhaqaalaha
. Afafka Qalaad
. Af-Soomaaliga
. Ganacsiga
. Xoolaha
Customer Login
Login
Search GO!
Password-kii miyaad hilmaantay?

Ku Soo Dhawow Allwariye Online Book Shop -:)
We Really Do Mean Bussiness.

Waxaan kuula diyaar nahay, adeeg hufan iyo buugta aad gadato oo aan daah la'aan kuugu keenno albaabka gurigaaga.

Qof waliba inta uu akhriyuu aqoonteeda leeyahay ee Akhri, oo waligaa ha joojin akhriska!
Faahfaahinta Buugga iyo Qoraha
Magaca Buugga
  Maxaa Hortaagan Dawladnimada Soomaaliya? Geeska Africa & Danha is-diidan.  
Qoraaga
  Cabdiweli Hassan Mohamed  
Mawduucca
  Siyaasadda, Taariikh  
ISBN
  9966-05-189-9  
Luuqadda
  Af-Soomaali  
La Daabacay
  2009  
Qiimaha
  £10  
Taabo Si Sawirka Loo Weyneeyo Ama Loo Yareeyo.
Faahfaahin

Dadka Soomaaliyeed oo ka mid ah isirrada ugu ballaaran qaaradda Afrika, waxay si teel teel ah ugu baahsan yihiin dhulka Soomaaliyeed oo lagu qiyaasay 400.000 mayl oo wareeg ah (square miles) ee Geeska Afrika. Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed oo soo martay ilaa 1991-kii laba maamul, mid rayid ah (1960-1969) iyo mid milateri ah (1969-1991), waxay ku dambaysay mid burburta oo dagaal sokeeye uu ka dilaaco. Waxaa la qabtay shirar badan oo dawlad lagu dhisay, haddana weli lama helin dawlad awood leh oo waddanka ka wada talisa. Maxaa hortaagan arrintan? Waa su’aasha uu buuggani ka jawaabayo, iyadoo doodaas saldhig looga dhigay laba arrimood:

1. Dhul ballaarsiga iyo is-fidinta awoodeed ee Itoobiya ku hayso ummadda Soomaaliyeed, iyo Soomaalida oo is-difaacaysa;
2. Soomaalida oo diidan muddo laba qarni ah in ilaa hadda dhulkooda laga hirgeliyo qaab-dawladeedka reer Yurub.

Wuxuu buuggu si faahfaahsan u soo bandhigayaa sidii uu u dhacay dagaalkii 1977-78 ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Buuggani wuxuu falanqaynayaa qaab-dawladeedka reer Yurub ee saldhiggiisu yahay Qaran, Dastuur iyo Dimoqraadiyad, iyo sida ay weli uga hirgeli la’yihiin Soomaaliya. Waxaa haray ee hadda socdaana qarnigan 21-aad waa is ogolaysiinta iyo is-diidka labada nidaam ee reer Galbeedka iyo Islaamka. Buuggani waxaa lagu soo gabagabaynayaa xalka Geeska Afrika. Ugu dambayntii waxaa buuggan lagu soo bandhigay dhammaan madaxdii soo martay Soomaaliya intii u dhaxaysay 1960-1991.

Buuggan wuxuu ka kooban yahay toddoba cutub, iyadoo lagu falanqeeyay taariikhda, dhaqaalaha, siyaasadda, arrimaha bulshada, iyo xariirka Soomaaliya ee gobolka Geeska Afrika iyo caalamka.

Qoraha: Abdiweli Hassan Mohamed (M.A., Ing., B.Sc.). Waa cilme baare dhinacyada beeraha, xoolaha iyo arrimaha bulshada. B.Sc. in Agriculture at JUS, Mogadishu; Ing., B.Sc.in Tropical Agriculture at LUC, Deventer, The Netherlands; M.A., in Agricultural and Rural Development at ISS, The Hague, The Netherlands.
Qoruhu wuxuu hore u soo saaray buugga Taariikhda Soomaaliya ee Geeska Afrika (2000).

Qiimo Jaban Raadi Buug Nagala Soo Xiriir Account Furo Log In
Copyright@2010 AllwariyeOnline Somali Book Shop